Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo galabta la wareegay degaan hor leh

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen Saldhigyadii Al-shabaab ee deegaanka Shabeeloow, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 21-aad ayaa sheegay in howlgalka la fuliyay uu mid qorsheysan oo ku qabsadeen fariisimo ay lahaayeen Shabaabka, ayna degaanka ka wadaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaalo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay deegaano dhowr ah.

Dagaalada dhexmaray dhinacyada ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada, waxaana xusid mudan in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka geysteen koonfurta Mudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor