Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo dib u qabsaday degaanka Camaara

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa barqanimadii Maanta dib ula wareegay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug oo arroornimadii ee saakay qabsadeen Al-shabaab.

Weerar ku bilowda qarax Is-miidaamin ah ayaa marka hore Shabaabka ku qaadeen Saldhig Ciidamo huwan ah ay ku leeyihiin Camaara, waxaana halkaas ka dhacay culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyagoona Shabaabka la wareegay Magaalada.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo gurmad ahaan uga yimid dhinaca deegaanka Shabeelow iyo kuwa qeybta 21-aad ayaa dib u qabsaday Camaara, xili inta uu socday dagaalkii dhacay ay Magaalada ka baxeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyop dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in 4 ruux ay dhinteen dagaalkaan oo uu mid ka mida yahay sargaal ka tirsana Ciidamada Gor Gor kaas oo lagu magacaabi jiray bamaceeye.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Intetnet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay qabsadeen 14 gaari oo 12 kamida ah yihiin Tikniko, halka 2-da kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, kuwaasi oo yaalla gudaha Saldhiga weerarka lagu qaaday, iyagoona saacado kadib halkaas isaga tegay.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-sbabaab, waxaana howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor