HomeWararCiidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo fuliyey howlgal Dad lagu soo qab-qabtay

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo fuliyey howlgal Dad lagu soo qab-qabtay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha kala duwan ee degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalka inta uu socday waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen guryaha ku yaalla xaafaddaha ay ka kooban […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha kala duwan ee degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalka inta uu socday waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen guryaha ku yaalla xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada, iyagoona kusoo qab-qabtay dhow qof oo laga shakiyey, in kastoo aan tiro la shaacin.

- Advertisement -

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Buulo-burte Cabdi Maxamed Cabdi Buur oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka la sameeyay howlgalka uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, maadaama lagu jiro bisha Ramaadan oo ay dhici karaan weeraro ay geystaan Al-shabaab.

Taliye Cabdi Maxamed  Buur ayaa waxaa uu intaas kusii daray in howlgalka lagu soo qab qabtay dhowr qof oo looga shakiyey falal amni darro, isla markaana laamaha amniga dowladda Federaalka Buulo-burte ay ku wadaan baaritaano lagu hubinayo dadkaas.

Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan Al-shaabab, waxaana degmadaas kamid tahay degmooyinka Gobolka Hiiraan ay sanno badan Go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts