Ciidanka Dowladda Itoobiya oo sare u qaaday weerarka ay ku hayaan Tigray

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda ayaa lagu soo warramayaa inay sare u qaadeen weerrarka ay ku hayaan fallaagada Jahbadda Xoraynta Shacabka Tigray ee TPLF iyagoo dhanka cirka ka duqaynaya qeybaha ay ka haystaan gobolka Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamma badan la abaabulayo iyadoo aaggaga jabhaddaasi lagu weerrary madaafiic, diyaarado dagaal iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Horraantii toddobaadkan ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay xilka muddo -xileed cusub wuxuuna ballan -qaaday inuu si xoog leh ugu istaagi doono difaaca dalka.

Colaadda socota muddo kow iyo tobanka bilood ah ayaa sababtay dhibaato bani’aadamnimo oo qoto dheer iyada oo ku dhawaad ​​laba milyan oo qof ay barokaceen.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan ku tilmaantay xaaladda mid aan la saadaalin karin oo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa.