Ciidanka daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo hawlgalo ka bilaabay koonfurta G/Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saaka Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Koonfurta Gobolka mudug,waxaana la arkayay Ciidanka oo baaritaanno ka wada degaannada ay gaareen.

Ciidamada ayaa saaka ka ruqaansaday Fariisimo ay ku lahaayeen Deegaanada dhaghaye iyo Hareeri dheere halkaas oo ay Ciidanku ku lahaayeen Saldhigyo Ciidan ,Saraakiisha ayaa sheegay inay saaka Ciidanku wadaan Howlgal Al-shabaab lagaga saarayo Deegaanada ay ku ku sugan yihiin oo ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug.

Wali Saraakiisha Howlgalka hoggaaminaysa ma shaacin cid ay ku qabteen howlhalkaasi, sidoo kale ma sheegin in ay wax iska hor imaad ah kala kulmeen Al-shabaab.

Degaanada Qaar ayaa la sheegay in Al-shabaab ay faarujiyeen kadib Dagaaladii ka dhacay Bacadweyne,Wisil iyo deegaanada ku hareeraysan oo dhamaantood Ciidamadda Dawladdu la wareegeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor