Ciidanka Danab oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  Sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen in ay kasoo qabteen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in gacanta ku dhigen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo sida ay sheegeen u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Sarkaalka ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheikh Cali oo si dhuumaalysi ah ku joogay Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabellada Hoose, waxaana intaas ay ku dareen Saraakiisha Danab in ay kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa inta badan waxaa ay sameeyaan howlagallo ballaaran oo ay kusoo qabtaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media