Ciidanka Danab oo sheegay in ay dileen xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka kumandooska Danab ee xoogga dalka somaliyeed ayaa sheegay in ay dileen xubin sare oo Al-shabaab ka tirsanaa, kadib howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Hoose.

Howgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay Degaanka Caliyoow Booroow, waxaana ay sheegeen Ciidanka kumandooska Danab ee xoogga dalka somaliyeed in ay dileen xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo sida ay tilmaameen Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha.

Saraakiisha hogalka horkacaysay waxaa ay tilmaameen in Ninka ay dileen uu ahaa xubin sare oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana Ciidanka kumandooska Danab ay Magaciisa kusoo koobeen Nuux Dhagool.

Simaha taliyaha guutada 16aad ee kumaandooska danab dhame Xasan Maxamed Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay Howgalkaasi, waxaana sidoo kale uu shegay in Howgalkoodu uu guuleystay.

Maal mihii ugu dambeeyay Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay Howgallada ay ka sameynayaan Gobolada dalka, waxaana shalay howgallo culusi ay ka dhaceen Gobolka Mudug, iyadoo Saraakisha Xoogga dalku ay sheegeen in ay soo saareen miinooyin farabadan oo dhulka lagu aasay, sidoo kalena ay fashiliyeen Gaari sida qarax, kaasi oo ay toogteen wadihii waday, halkaasna uu ku qarxay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor