Ciidanka DANAB oo la wareegay deegaano Cusub

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad Ururka 5-naad Ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxani oo qayaasti 50 (KM) dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa halkaas.

“Bulshada deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ciidamada Danab oo la wareegay gacan kuhaynta Cabdi Dhoore iyo beerxaani” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska Ciidanka Kumaandooska.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ka wada howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ku doonayan inay shabaab uga saaraan deegaanada ay halkaas uga sugan yihiin.