Ciidanka DANAB oo fuliyay howlgal la sheegay in lagu burburiyey farriisimo ay lahaayeen Al-shabaab

Ciidanka kummaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga ayaa howlgalo ay ka fuliyeen degaannada Nuur Garre iyo Yimbis ku burburiyey fariisimo la sheegay inay Al-shabaab ku lahayeen deegaanadaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka la sameeyay, lana hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidamada DANAB inta uu socday howlgalka ay gubeen gaadiid ay lahaayeen Shabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha ayaa intaas kusii daray in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii socon doonaa, isla markaana howlgalka ujeedkiisa ku sheegay inuu yahay mid la xiriira sugida ammaanka Gobolka.

Si kastaba ha’ahaatee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah Gobolka ugu amniga xun Gobolada Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Gobolkaas horey  uga dhacay weeraro toos ah iyo qaraxyo ay Al-shabaab la beegsadeen kolonyo ay wateen Ciidanka dowladda, Maamulka Gobolka iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor