Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno Al-shabaab

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Ururka 5-aad guutada 16-aad ee xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan si wadajir ah uga sameeyay Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo iskaashanayay ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala Bar-sanguuni, malayleey, bandarjadiid ,araare, koban, bangeeni & deegaano kale oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka lagu dilay 13-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ku jireen Saraakiil, waa sida hadalka ay u dhigeen Saraakiisha..

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada DANAB ee Ururka 5-aad guutada 16-aad iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa u sheegay in duqeyn lagu burburiyey fariisimo ay lahaayeen Shabaabka.

Ciidamada DANAB iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa dhowr jeer howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab sidaan oo kale uga sameeya deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo geystay khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor