Ciidanka Booliska oo kala Eryey Dad dhigayay Banaanbax lagu taageerayo RW Rooble

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa kala eryey dadweyne Banaanbax looga horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka wada degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay xaafaddo ka tirsan degmada Hodan, iyagoona banaanbaxooda ku taareegayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Farmaajo.

Dadka banaanbaxa dhigay oo uu hoggaaminayey Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin “Af-gembi Maya, doorasho Haa”, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ay taageero ugu muujinayaan Rooble.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu socday banaanbaxa ayaa tegay halkaas, iyagoona la sheegay inay kala eryeen dadkii banaanbaxa lagu taageeyay Ra’iisul Wasaare Rooble ka dhigayey Hodan.

Fiqi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku eedeeyay Taliye ku-xigeenka Booliska Kaniif iyo Taliyaha Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli taagan, mana jirto waan-waan socota oo lagu dhex-dhexaadinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor