Ciidamada Amniga Puntland (PSF) iyo kuwa Daraawiishta Maamulkaas ayaa Maanta oo sabti ah howlgalo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.
Ciidanka amniga oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah karin, buuraleyda, Ceel-Onkud iyo Muguc, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish.
Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga Gobolka Bari oo xiliyada qaarkood falal amni darro ka geystaan kooxo hubeysan.
Degaanadan Ciidamada ay hawlgalka ka sameeyeen oo 45-KM ka xiga dhanka koonfur bari Magaalada Boosaaso ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku leh Ciidamada difaaca Punland ee dagaalka kula jira Daacish iyo Al-shabaab.
Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa dhowr jeer howlgalo kala duwan ka sameeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland, isla markaana waxaa dhinacyada dhexmaray dagaalo xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.