Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Rag kufsi ka geystay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa a sheegay inay gacanta ku soo dhigeen laba nin oo Xalay degmadaasi ku kufsaday Gabar 18 sano jir ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay inay hayaan labada nin oo falkaas ku eedeysan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in raga gabadha Kufsaday ay gaarayaan ilaa 4 nin, isla markaana ay Afduubteen ka hor inta aysan Kufsan.

Waa Kufsigii 7-aad oo muddo bil ka dhaca Soomaaliya, waxayna ka kala dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Janaale, Warsheekh iyo Balanbal.

Ilaa hadda ma jirto hal qof oo sharciga loo horkeenay dambiyadaas, hayeeshee laamaha amaanka ayaa sheegay in ay falalka qaar u haayaan eedeysanayaal.