Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Nin Bam Gacmeed tuuray

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Maamuka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku dhigay Nin Bam Gacmeed ku tuuray Laanta degmadaas ee Suuq Bacaad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in falkaas Bam Gacmeedka ahaa uu dhacay xiligii afurka kadib, isla markaana Khasaaro uu ka dhashay.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo kormeer ku maray Xaafado ka tirsan Yaaqshiid ayaa ka hadlay falka Bam Gacmeedka ahaa.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen Ninkii falka sameeyay, isla markaana halkaas uu ku dhintay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Tuulax u mahadceliyay laamaha amniga ee qabtay Ninka, wuxuuna shacabka ku sugan Degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka si looga hortego falalka amni darro.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Tuulax iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tegay Xaafadaha Juungale, Towfiiq iyo kuwo kale oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media