Ciidanka ammaanka Puntland Howlgalo ka sameeyay Gobolka Bari

Howlgalkan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G\Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska ee Gobalka Bari waxaa ay Ka Sameyeen Buuraha u dhexeeya Magaalada Bosaaso illaa Dagmada Carmo ee Gobalka Bari, howlgalkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidamada Boolisku waxaa ay baaritaano ku sameeyeen Gadiidka soo gala Magaalada Bosaaso iyo kuwa ka baxaya.

Howlgalkaan oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sugida iyo xoojinta amniga guud gobolka xilli dhawaan Magaalada Bosaaso lagu qabanaayo doorashada Xildhibaanadda cusub ee dowladda dhaxe ee Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuuseen Cali Maxamuud Shacabka Ka Codsaday Inay Doorkooda Ka Qataan Xaqiijinta amaanka Isagoona u mahadceliyey sido kale shacabka Gobolka Bari ayaa Howlgalkaan Ku tilmamaay mid guul ah oo ay uga mahadcelinayaan Ciidamada Booliska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media