Ciidanka ammaanka Guriceel oo xabsiyada dhigay dad hor leh

Ciidamada ammaanka Magaalada Guriceel ayaa wada Howlgallo culus oo ay ku baadi goobayaan dabley habeenno ka hor weerartay masaajid ku yaalla Magaalada Guriceel, waxaana jira dad loosoo qab-qabtay arintaasi, kuwaasi oo xabsiga la dhigay.

Ciidanka oo wali wada howlgalladooda ayaa ayaa xabsiga dhigay nin aad looga yaqaan Guriceel kaas oo lagu magacaabo Farxaan Ahmed Salaad Ugaas, kaasi oo lagu eedeyay in uu ku lugleeyay falkaasi, inkastoo aysan jirin ilaa hadda wax caddeymo ah oo ay soo bandhigeen Ciidamada Booliska iyo nabad sugida Degmadaas.

Dhailinyaro badan ayaa Xabsiga loo dhigay dhacdadaasi, waxaana Xiliga masjidkaas la weerarayay ka socday Duruus diini ah, mana jiraan dad ku waxyeeloobay dhacdadaasi.

Xabsiga magaalada Guriceel ayaa arrintaas xabsiga loodhigy shan ruux oo lagu eedeynayo in ay qayb ka ahaayen dadkii falkaasi gaystay.

Masaajidka la weeraray ayaa  ka mid ahaa Masaajiddadii ku xirmay dagaalkii u dhexeeyay Ahlu-Sunna iyo Al-shabaab, waxaan dib loo furay masaajidka kadib markii Maamulka Galmudug uu Madaxweyne ka Noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media