Ciidanka Amaanka Galmudug iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamaya Gobolka Galgaduud

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhweyd ka bilowday degaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ee bartamaah Soomaaliya, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka ammaanka maamulka Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka aynu helnay ayaa tibaaxaya in dagaalku yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen dhanka Ciidanka ammaanku ay kaga sugan yihiin degaanka Cadakibir oo qiyaastii dhanka bari 60km Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa hadda socda, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in hadda dagaalku marba marka ka dambeysa uu sii xoogaysanayo, waxaana uu ka socdaa dhanka Ciidanka Galmudug ay ka joogaan degaanka, sida ay kusoo warramayaan dad goobjoogayaal ah.

Lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, sidoo kalena ma jirto faah faahin intaa dheer oo aynu ka helnay dagaalka socda, basle wixii kusoo kordha halkaan kala soco.