Ciidamo weerar ku qaaday Saldhigga degmada Kaaraan

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka ayaa galaba weerar ku qaaday Sadhiga iyo Xarunta Degmada kaaraan ee GobolkanI Banaadir, waxaana  weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Ciidanka Millateriga ah ay ka yimaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo weerar ku qaaday Ciidamo Boolis ahaa oo ku sugnaa Salidhiga degmada, waxaana xiligaas kahad galay isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ayaa ku geeriyooday iska horimaad kooban oo dhexmaray Ciidanka Booliska iyo kwuii Milateriga ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona horey u qaatay qoryo ay heysteen Askarta dhimatay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Degmada Kaaraan ka taagnaa Xaalad kacsanaan ah, waxaana Ciidanka dowladda oo isugu jira Millateri iyo Nabad sugid ay weerar ku qaadeen Sarkaal la sheegay in amar lagu bixiyay in lasoo xiro, waxaana arrintaas cabsi xoogan ka muujiyay dadka degaanka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan weerarkii galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro dhimasho ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media