Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo la wareegay Saldhig ay ka baxeen Ciidanka PSF

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa habeenimadii xalay aheyd gaaray Saldhig weyn oo degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari ku lahaayeen Ciidanka PSF.

Ciidanka PSF-ta ayaa gelinkii dambe ee shalay isaga baxay Saldhiga ay ku lahaayeen degaanka Sugurre, kadib markii Ciidamada ay gadood ka sameeyeen xilka qaadis uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimahoodii Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidanka Daraawiishta ee tegay Saldhiga Sugurre ay ahaayeen kuwo watay gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana laga kala keenay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Ciidamada Daraawiishta ayaa la sheegay inay isku fidiyeen dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF Puntland oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), isagoona ka hor yimid xilka qaadista.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista uu sameeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban, “Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, isla markaana ay difaaci doonaan, waxaana Ciidanka ay isaga baxeen Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis, iyagoona halkaas ku lahaa Saldhig weyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor