Ciidamo tababar loo qaaday oo Maanta laga sagootiyay Garoonka Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqsdisho ayaa Maanta waxaa ka dhoofay Cutubyo ka tirsan Ururka  7-aad ee Ciidanka kumaandooska Gorgor oo tababar ku soo qaadanaya Dalka Turkiga.

Ciidamada oo ahaa kuwo farabadan ayaa waxaa Garoonka kasii sagootiyay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo xubno kale oo Turki ah.

Wasiir Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siisay dib u dhiska Ciidamada qalabka Sida, isagoona cutubyada Maanta tababar loo qaaday kula dardar-may inay si wanaagsan u qaatan tababarka.

“Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaad u soo tababaraneysaan, Ciidan qaran ayaad tihiin, waxaan idiin rajeynayaa in dalkiina aad ku noqotaan idinkoo cilmi iyo aqoon soo kororsaday” ayuu yiri Wasiirka xilka siihaya ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayuu dowladda Turkiga uga mahadceliyay tababarada iyo taageerada ay siiyaan Ciidanka dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay inay ka shaqeyneyso dib u dhiska Ciidamada.

Shalay ayey markii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka dib ugu soo laabteen Ciidamada oo ka ka tirsan ururka 6-aad ee Guutada 17-aad ee Gorgor ee Kumandooska Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor