Ciidamo tababar loo qaaday oo Maanta laga sagootiyay Garoonka Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhoofay Cutubyo ka tirsan Ururka 10-aad ee Kummaandooska Gor-gor oo tababar kusoo qaadanaya dalka Turkiga.

Ciidamada Kumaandooska Gor-gor ee tababarka loogu qaaday Turkiga ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyey Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga iyo Mas’uuliyiin.

Jeneraal Biixi oo la hadlay warbahinta ayaa marka hore u sheegay Ciidamada inay u baxayaan tababar, si ay u difaacaan dalka, isagoona kula dardaarmay Ciidanka baxay in aysan baran waxyaabaha maandooriyaha oo ay si wanaagsan u qaatan tababarka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Ciidanka tababarka loo qaaday u rajeeyay in iyaga oo nabad qaba kusoo laabtan dalka, isla markaana u diyaar garooban difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shalay ayey markii Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay dib ugu soo laabteen Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Qaranka ee Gor-gor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga, waxaana sanadkaan Turkiga lagu soo tababaray kummanaan Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor