Ciidamo loo diyaariyey la-dagaalanka Al-shabaab oo Maanta tababar loo soo xiray

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed Tifow  ayaa Maanta Tababar usoo xirey cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ciidamada maanta loo soo xiray tababarkan ayaa mudooyinkii dambe tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanaayay Xerada Tababarka UK ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka  Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed Tifow ayaa Ciidanka kula dardaarmay in ay bulshada u shaqeeyaan una diyaar garoobaan la dagaalanka Al-shabaab.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Gobolada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana dhacay dagaalo khasaaro badan dhaliyey oo dhinacyada soo kala gaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor