Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Gen. Maxamed Cadoow Cali Sanka oo kormeer shaqo kumaraya fariisimaha Ciidamada ayaa saaka kormeer Ku gaaray Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha Tababarka qaybta 21-aad.
Taliye Maxamed Caddow ayaa Xerada kula kulmay ciidamo in mudo ahba uu u socdey tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar garoobo howlgalada lagu xoraynayo deegaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug .
Saraakiisha Dugsiga Har-qaboobe ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha qaybta xaalada Ciidamada xeradan ku jira, iyagoo tilmaamay in lagu guulestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay.
Taliyaha qaybta 21-aad Gen. Sanka ayaa Ciidamada dugsigan ku jira iyo Saraakiishooda kula dardar-maaray inay sii wadaan tababarka u socda, isla markaana waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda.