Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo Muqdisho isku rasaaseeyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya israsaaseeyn Xalay ka dhacaday Magaalada Muqdisho oo u dhexeeysay Ciidamo ka wada Tirsan dowladda, waxaana xalay la maqlayay dhawaqa rasaas xooggan oo ay isku adeegsanayeen.

Israsaaseeynta ayaa dhexmartay Ciidamo Boolis ah iyo Millateri, waxaana ay ka dhacday Degmada Cabdi Cassiis ee Gobolkani Banaadir gaar ahaan aagga Liido.

Ma jiro wax khasaaro ah oo laga soo wariyay dagalka kooban ee dhexmaray Cidanka ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ee kala ah Booliska iyo Millateriga, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la kala dhex-galo dhinacyada Israsaaseyntu dhexmartay.

Horay Taliyaha Booliska degmada ayaa soo saaray amar ah in aan Qori ama Bastoolad lala soo geli karin Aagga Liido, waxaana la sheegay in Ciidanka Miilateriga ahi ay hubkooda wateen, taasina ay keentay in labada dhinaca ay israsaaseeyaan.

Inta badan  Ciidamada ka wada tirsan Dowladda ayaa waxaa dhexmara Israsaaseeynta noocaan ah, waxaana ka dhasha Khasaaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaara dhinacyada dagaalama iyo dadka shacabjka ah ee lagu dul dagaalamo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media