Ciidamo ka tirsan Puntland oo hal arrin darteed Maanta u xirtay waddo muhiim ah

Wararka aan ka heleyno wadada laamiga ah ee u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe  iyo Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku warramay in duhurnimadii Maanta wadadaas ay xirteen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland.

Ciidamada oo ah kuwo ka gadoodsan Mushaar la’aan soo wajahday bilihii lasoo dhaafay ayaa jidgooyo dhigtay wadada, isla markaana xannibay isu-socodka laamiga dheer, iyadoona ay hakad galeen isku socodka gaadiidka mari lahaa halkaas.

Dad ayaa soo weriyey inay arkayeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland oo ay u xiran tahay wadada xiriirisa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland iyo Laascaanood, kuwaasi oo watay gaadiidka nooca dagaalka.

Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la tilmaamay inay xiligaan ku xaniban yihiin wadada, isla markaana Ciidamada ay u diideen gaadiileyda inay wadada maraan, iyagoona u sheegay in aysan marin wadada oo dib uga laabtaan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dadaalo kala duwan ay socdaan oo lagu doonayo in Ciidanka gadoodsan lagu xaliyo, lana siiyo Mushaaraadkooda ay xaqa u leeyihiin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Daraawiishta Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor