Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qarax khasaaro dhaliyey lala beegsaday

Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago remote Control-ka ayaa waxaa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka barqadii Maanta lagula beegsaday degaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa miinada ayaa waxaa gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Milateriga oo noociisu ahaa Tikniko uu ku qabsaday inta u dhexeeysa deegaanka Ceel-dheere iyo Dhuusamareeb, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidanka Milateriga dowladda, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Askari, halka 9 Askari kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka qaraxa lagula beegsaday wadada laamiga ee xiriirisa deegaanka Ceel-dheere iyo Dhuusamareeb ay kusii jeedeen deegaanka Baxdo oo saakay Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal culus.

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka ayaa doonayey inay tegaan deegaanka Baxdo oo ku ay dagaalameen Ciidanka Galmudug, dadka deegaanka oo hubeysan iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab maalmo kahor sidaan oo kale qarax miino nooca dhulka lagu aasay deegaanka Ceel-dheere ee Gobolka Galgaduud kula  beegsaday gaari ay wateen Ciidanka Kummaandooska DANAB, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen 8 Askari, halka saddex kalena ay dhaawacmeen…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor