Ciidamo ka tirsan Daraawiishta KG oo lagu laayay Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Degmada Wanlanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warramaya in Goordhaweyd Ciidan ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed lagu laayay degmadaasi, waxaana kasoo baxaya faah fahinno dheeraad ah.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari ayaa dhimatay halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Malleyshiyaad hubeysan ay weerareen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbed Soomaaliya, waxaana Ciidanka lagu weeraray Koontorool ay ku sugnaayeen oo ku yaalla degmada Wanlaweyn.

Wali waxaa socda dagaal sida ay dadka degaanku sheegayaan, waxaana la maqlayaa rasaas goos-goos ah oo labada dhinac isku adeegsanayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media