Ciidamo joojiyay Banaanbax looga soo horjeedo dib u furista Masaajid xiran

Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo Ciidanka ammaanka ayaa joojiyay banaanbax looga soo horjeedo in dib loo furo Masaajid ay horey u xireen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmadaasi.

Abaabulka Banaanbaxa ayaa maalmahan waxaa uu ka socday degmada Guriceel , kaasi oo ay wadeen qaar ka mid ah dadka dega degmadaasi, iyaga oo diidan in la furo masaajidkaasi.

Maalmo ka hor ayey qaar Kamid ah culimada maamuleysay masaajidka ay maamulka Galmudug ka dalbeen in ay gacmaha la gelin arimaha masaajidyada ee ku yaalla Guriceel.

Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan ku baaqday in Ciidamada aysan lug ku yeelan arrimaha diinta, isla markaana loo madax banaaneeyo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media