Ciidamo joojiyay Banaanbax lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta waxaa lagu waday inuu ka dhaco Banaanbax xoogan oo lagu taageerayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee waa la joojiyay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka iyo kuwa Milateri ah ayaa joojiyay qorshaha Banaanbaxa lagu taageeri lahaa Farmaajo, iyagoo dad doonayay inay isku soo baxaan lagu wargeliyay in uusan jiri wax banaanbax ah.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa Baladweyne laga dareemayay qaban qaabada Banaanbaxaas oo la sheegay inay wadeen Mas’uul kala duwan oo ku sugan, isla markaana uu ugu horreeyo Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cali Maxumed Caraale.

Dhinaca kale Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta Magaalada Baladweye uu ka bilaabayo howlgal amniga lagu xaqiijinayo uuna jirin banaabax.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay soo sheegayaan in gudaha Magaalada lagu arkayo Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milateri, kuwaasi oo inta badan xiray goobo la qorsheeyay inay tagaan dadkii dhigi lahaa Banaanbaxaas.

Warar soo baxayo ayaa sheegayo in Maamulka Hirshabeelle uu kasoo horjeedo qaabka loo soo abaabulay banaanbaxayada Maanta ka dhici lahaa halkaas, isla markaana taageeri rabay Madaxweyne farmaajo iyo Dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media