Ciidamo hubeysan oo hoygiisa kala baxay Sheekh Caan ka ah Guriceel

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay ilaa iyo maanta ka socda howlgalo kala duwan oo ay wadaan laamaha amniga Glmudug, iyadoo howlgalka lagu qabtay dad farabadan.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii xalay rag hubeysan ay weerar rasaas ku qaadeen Masjidka Beder ee Guriceel, xili laga soo baxay salaadii maqrib ee xalay, in kastoo aysan jirin cid wax ku nqotay falkaas.

Ciidanka amniga ayaa howlgalka ku qabtay dad dhowr ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rasaastii lagu furay Masjidka, waxaana dadkaas ku socda baaritaano kala duwan.

Sidoo kale Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ayaa maanta xabsiga dhigay Sheekh Caan ka ahaa halkaas oo lagu magacaabo Sheekh Ismaaciil Tashada oo kamid Culimada Ahlsunna ee Guriceel, waxaana la sheegay in lagala baxay hoygiisa.

Rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ayaa xalay rasaas dhowr ah ku furay Masjidka Beder ee Guriceel, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo rasaasta oo ku dhacday derbiga Masjidka.

Masjidkan ayaa kamid ahaa Masaajidyadii ku xirmay Dagaalladii Magaalada Guriceel kal horey ku dhexmaray Ahlusunna Waljameeca iyo Al-shabaab, iyadoona dhawaan ay dib u fureen maamulka Shirkadda Bader ee Guriceel.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media