Ciidamo hubeysan oo Howlgal Culus ka wada Magaalada Hobyo

Ciidamo isku dhaf ah ayaa howlgal qorsheysan ka wada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooroor iyo wafdi uu hogaaminayo.

Ciidamadan oo isugu jira xoogga Dalka qaybta 21-aad, kuwa Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ay wehliyaan Ciidmaada Booliska Hobyo ayaa wada howlgalkan oo lagu baarayo daadiidka dadwaynaha, Guriyaha laga shakiyo iyo goobo bartilmaameed u ah howlgalkaas.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa sheegay inay jiraan dad looga shakisan yahay inay Galmudug ay ka wadaan falal amni darro xun , isla markaana laamaha amniga qeybahooda kala duwan ay ku raad-joogaan.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xili saakay weerar Khasaaro geystay lagu qaaday Saldhig Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, sidoo kalena ciidamada Howlgal qorsheysan oo Gaalkacyo ka dhacey ku qabteen Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarey iyo shaqsigii wadaha ka ahaa .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media