HomeWararCiidamo Hubaysan oo la wareegay Terminaalka Garoonka diyaaradaha Baladweyne

Ciidamo Hubaysan oo la wareegay Terminaalka Garoonka diyaaradaha Baladweyne

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Xiisad ka taagan Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyn ee xarunta  Gobolka Hiiraan, kadib markii ay Ciidamo hubaysan Garoonka Gudaha u galeen.

Ciidanka Hubeysan ee gudaha u galay Garoonka ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in ay ka amar qaataan madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yusuf Dabageed.

Garoonka oo ay gacanta ku haysay Shirkad si gaar ah loo leeyahay oo lagu Magacaabo Whitestar,taasi dhistay Terminalka garoonka kadibna lagula heshiiyay in ay maamusho.

Shaqaalaha garoonka horay uga shaqeeyanayay ee Kambaniga maamulayay ayaa dhammaantood xafiisyadii dibadda looga saaray, waxaana haatan ku sugan Ciidamo hubeysan, sida ay sheegeen maamulka Whitestar.

“Xaalada ka socota garoonka Beledweyne oo aay ku dhaqmayaan Hirshabelle waa boob, sababtoo ah shalay ayaa si xoog loo xiray terminalka maantane si xoog ah ayaay u jabsadeen, ma joogaan shaqaalahena, waxaan bulshada ugu baaqayaa in laga hortago xoog sheegashada”ayuu yiri mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Kambaniga.

Wali Booliska Hirshabeelle wali arrintaas kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda arrintaasi u faragalisay, iyadoo Xiisaddu ay wali taagan tahay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories