Ciidamo hor leh oo la geeyay duleedka Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Magaalada ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali, ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxdaweyneyaasha maamulada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland, Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirka u furmayo Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa inta uu socdo Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira, dib u soo celinta xiriirka dhinacyada  iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka.

Waddooyinka waaweyn ee gudaha Dhuusamareeb ayaa waxaa la dhigay Baro Koontarool oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan lagu hubiyo, isla markaana waxaa la geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana amniga gudaha Magaaaladaas uu yahay mid siweyn loo adkeeyay, maadaama Caasimadda Galmudug uu dhacayo Shirweyne la wada sugayo Qodobada kasoo bixi doona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media