Ciidamo Gadoodsan oo xirtay Waddooyin ku dhow Madaxtooyada Somalia

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ayaa xirtay Waddooyin ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon iyo ilaa agagaarka Guriga wasaaradda amniga.

Ciidamada oo ah kuwa farabadan, isla markaana wada gaadiidka nooca dagaalka ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan soo wajahday muddo sanad iyo bilooyin, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ay u sheegeen inay mushaar la’aan yihiin muddo sanad iyo 9 Bilood ah.

Madaxda Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeenSaraakiisha Ciidanka in aysan siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaaraadka.

Hadlkan kasoo saaray Saraakiisha Ciidanka ee cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay ee hadal ahaa in Ciidanka Xoogga ay si joogta ah mushaarka loo siiyo .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media