Ciidamo  gadoodsan oo xirtay waddada marta Degmada Galinsoor ee G/Galgaduud

Ciidamo ku xareysnaa xero Ciidan oo ku taalla Degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa in ay gadood sameeyeen.

Wararka waxaa ay shegayaan in Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku Xaraysnaa Xerada Dhaankaroone ee Degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud ayaa Gadood Sameeyay, waxaana ay xirteen Wadada Laamigaa ee Degmadaasi Marta, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayan in hadda Ciidankaasi ay waddadu u xiran tahay.

Ciidanka Gadoodsan ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan, waxaana ay sheegeen in muddo ah in aysan qaadan xuquuqdii ay lahaayen, iyagoo sheegay in Xerada ay ku jiraan ay ku dayacan yihiin.

Wararku waxaa ay ku warramayaan in Odayaasha dhaqanka degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud ay ku bexeen, ayna doonayaan in ay xaliyaan cabashada Ciidanka, walina ma jirto wax mas’uul ah oo ka tirsan Mamaulka Galmudug oo ku baxay Ciidankaasi gadoodsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media