Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Kastam ku yaalla Gaalkacyo iyo sababta keentay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ayaa waxaa ay sheegaya in xalay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay qabsadeen Kastamka Canshuuraha ee Gaalkacyo.

Ciidamadan oo ah kuwo gadoodsan ayaa laga war helay iyaga oo qabsaday Kastamka lagu qaado Canshuuraha ee ku yaalla koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona halkaas ay isaga baxeen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa, fariisina ku lahaa.

Sababta ay Ciidanka gadoodsan kula wareegeen Kastamka Canshuuraha ee Gaalkacyo ayaa waxaa lagu sheegay inay ka cabanayaan Mushaar la’aan soo wajahday bilooyinkii lasoo dhaafay oo aysan helin qaadan xuquuqdii ay lahaayeen.

Dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in Ciidanka gadoodsan ay uga baxaan goobta ay qabsadeen ayaa  socoda, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas ay dalbadeen in marka hore lasiiyo Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayay in sababta ay Ciidanka gadoodsan u sameeyeen ay la xiriirto is Casilaadii Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, hayeeshee Mas’uuliyiin u hadlay Maamulka Galmudug ayaa beeniyay warkaas.

Si kastaba dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug kula wareegeen Kastamka Canshuuraha ee Magaalada Gaalkacyo, iyagoona ka gadoodsan Mushaar la’aan, wallow dib loo siiyay Mushaarka, ayna ka baxeen halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor