Ciidamo gadoodsan oo Isbaaro dhigtay wado xiriirisa Magaalooyin

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Daraaawiishta dowlad Goboleedka Puntland ay Isbaaro dhigteen wadada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamada isbaarada dhigtay wadada ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo ka gadoodsan Mushaar la’aan soo wajahday bilihii lasoo dhaafay, iyagoona diiday in la isticmaalo wadada u dhexeeysa Garoowe iyo Gaalkacyo ee Nugaal iyo Mudug.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada ay marista wadada u diideen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo safar ku doonayay inay ku maraan wadada, lagana celiyay.

Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal oo Maanta safar dhinaca dhulka ku tegi lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ayaa ka baaqday safarkiisa, iyagoo halkaas tegi doona diyaarad.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Puntland oo ku aadan ciidanka wadada xirtay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay socdaan dalaalo kala duwan oo Ciidankaas Mushaarkooda lagu siinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor