Ciidamo Farabadan oo Saaka waddooyinka lagu soo daadiyay iyo howlgallo ka socda Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa saaka aroornimadii hore ka billawday Howlgallo ay sameynayaa in Ciimada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana wali socda Howlgalka sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Magaaladaasi.

Xaafadaha Magaalada ayaa saaka lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo baaritaanno ka wada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan waddooyinka ay xireen Ciidanku, ayna adeg tahay in Goobaha qaar dadka shacabka ah ay maraan, maaddama ay Ciidanku u diidayaan dadka shacabka ah, waxaana wararkii u dambeyay ay sheegayaan in Ciidanka Saaka Magaalada lagu soo daadiyay ay waddooyinka qaar xireen, waxaana la adkeeyay amamanka guud ee Magaalada baladweyne.

Xaafadaha Kooshin iyo Xaawao taako ayaa lagu soo warramayaa in Ciidanku ay kasameeyeen howlgallo ballaaran, waxaana jiro xaafado kale oo ay Ciidanku galeen.

Baaritaanada iyo Howlgallada ay Ciidanku wadaan ayaan la shaacin sababaha ka dameeya, balse warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen uu ku wajahan yahay Magaalada Baladweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media