Ciidamo cusub kana tirsan DFS oo tababar loo xiray iyo Turkiga oo ka hadlay

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa waxay shalay sheegtay inay qalin jebiyeen Dufcad Cusub oo ka tirsan Ciidanka Milliteriga Somalia, kuwaasi oo tababar ku qaatay Gobalka Isparta ee K/Galbeed ee Turkiga.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa waxaa lagu muujiyey inay soo dhaweynayaan Munaasabad lagu qabto Somalia oo lagu soo dhaweynayo Dufcadda 6-aad ee Ciidanka Lugta ee Milliteriga Soomaaliya kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa waxay kaloo sheegtay in Ciidanka dhameystay Tababarka Komaandooska ku qaateen Xarunta Tababarka La-dagaalanka waxay ugu yeereen Argagixisadda oo ku taalla Gobalka Isparta ee K/galbeed Turkiga.

Bishan March 1-dii, ilaa 300 Askar Somali ah ayaa dib ugu soo laabtay dalka, kadib, markii ay soo dhamaysteen tababar ay ku soo qaateen Turkiga.

Dowladda Federaalka  ayaa dhawaan dalka Turkiga u dirtay boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ah, kuwaasi oo loo qaaday tababar, isla markaana dowladda sheegtay in Ciidankaas markii tababarkood soo dhameystaan dib loogu soo celinayo dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor