Ciidamo Boolis ah oo gacanta ku dhigay Burcad beegsata Dadka Ajaanibta kaliya

Booliska Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay burcad abaabulan oo in mudda ah ay ku raad joogeen iney gacanta ku soo dhigeen

Boolisku waxay sheegeen budhcadda la qabtay ioo ka kooban 24 iney ahaayeen kuwo si gaar ah u beegsada dadka ajaanibta ah ee ku nool magaaladaasi, iyaga oo geystay dhaawacyo badan hanti badanna dhacay.

Mararka qaarna ay dadka afduubanayeen lacag madax furasha ahna ay weydiisanayeen.

Waxaana burcadda lagu soo qabtay gaadiidkii iyo qaar ka mid ah agabkii ay ka dhaceen dadka ajaanibta ah.

Boolisku waxay intaa ku dareen burcadda abaabulan ee la soo qabtay iney ku jiraan rag falal noocaan ah lagu helay oo ay maxkamad ku xukuntay 15-20 sano oo xarig ah balse xabsiyada ka baxsaday.

Magaalada Addis Ababa oo lagu tiryo magaalooyinka ugu nabdoon qaaradda Afrika waxaa bariyahan dambe ku soo badanayey falal budhcadnimo oo amniga magaalada saameeyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor