Ciidamo badan oo la geeyay Baraha Koontarolada Xarunta Madaxtooyada

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa saakay lagu arkayaa baraha Koontaroolada lasoo galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa ku sugan inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in Ciidanka halkaas ay dhigtay dowladda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta waxaa la filayaa in kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 15 Xildhibaan ka joojiyay fadhiyada Baarlamaanka, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay fowdo iyo is hor istaag ku sameeyay kulankii sabtida oo baaqday, kadib buuq hareeyay.

Magacyada Xildhibaanada laga joojiyay kulamada ayaa waxaa la dhigay baraha Koontaroolada Xarunta Madaxtooyada, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ciidanka lagu wargeliyay in XIldhibaanadan aysan Xarunta u soo gudbi karin.

Xildhibaanadaas ayaa shaaciyay inay tegi doonaan kulanka Maanta ee Xildhibaanada, isla markaana wixii mas’uuliyad darro ah ee ka dhasha uu qaadi doono Guddoomiye Mursal, ayna kasoo horjeedan muddo kordhin loo sameeyo hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor