Ciidammada Mareykanka oo beeniyay in ciidammada Kenya ay cawska ku dhuunteen

Militariga Mareykanka ayaa beeniyay warar sheegayo in cawska ay ku dhuunteen markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga militariga Manda Bay ee gobolka xeebta dalka Kenya.

Waxay sidoo kale ciidammada sheegeen in ciidammada Kenyanka iyo kuwo Amerikaanka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu jawaabeen weerarka si looga fogaado khasaare badan isla markaasna looga hortaggo khatar hor leh.

“Weerarkii Manda Bay wuxuu muujinaya in Al Shabaab ay weli yihiin halis iyo cadow awood leh” ayuu yiri Janaraal, Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidammada Mareykanka ee uu fadhigeedu yahay Afrika.

Mareykanka wuxuu saraakiil sar sare u diray saldhigga si ay usoo sameeyaan baaritaannada la xiriira weerarka.

Arrinatani ayaa imaaneysa xilli warbaahinta New York Times ay ku warrantay in ciidammada Kenya ay ku dhuunteen cawska markii weerarka saldhigga ay kusoo qaadeen Al Shabaab.

Afhayeenka milateriga Kenya, Paul Njuguna oo ka hadlay warbixinta uu qoray wargeyska ayaa beeniyay in ciidanka Kenya ay gabaad ka dhigteen cawska isla markaasna warkaas uu yahay mid xaqiiqda ka fog.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media