Ciidammada Guinea oo ku dhawaaqay bandow socon doona illaa amar dambe

Ciidammadaasi ayaa Axaddii talada dalkaasi afgambi kula wareegay iyagoo gacanta ku dhigay madaxweyne Alpha Conde.

Bayaan ciidammada awoodda qabsaday ay soo saareen oo lagu baahiyay Idaacadda Qaranka ayey kooxdu ku sheegtay inay dhowri doonaan badqabka madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen in barasaabyada gobollada lagu badelay taliyayaasha milateriga waxa ayna kulan saaka oo Isniin ah isugu yeereen wasiirrada iyo hogaamiyayaasha kale ee qaran, iyagoo ku kulmi doona baarlamaanka dalkaasi.

Waxa ay sheegeen in cidkasta oo ku guuldarraysata inay kulankaasi soo xaadiri wayso waxaa loola dhaqmi doonaa sida fallaago oo kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor