Ciidamadda Saldhigga Booliiska Guriceel oo Wiil dhalinyaro ah toogtay

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi lagu dilay Wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka, waxaana dilkiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamadda Saldhigga Booliiska Guriceel ayaa bartamaha magaaladda toogasho ku dilay wiilka dhallinyarada ah.

Waxaana Marxuumka lagu magacaabi jiray  Faroole Diiriye Raagge kaas oo kamid ahaa dhallinyarada magaladda deggan, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinta Muruq-maalka ah.

Wiilka dhalinyarada ah ee maanta Magaalada Guriceel lagu dilay, ayaa si gaar ah uga mid ahaa dhalinta ka shaqeysta shaqeysta farsamada Fuundinimada ama Gurya-dhisida, waxaana haleeshay rasaas ay Ciidanku u adeegsaden dad shacab ah.