Ciidamadda Badda Tuunis oo soo badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibayaal ah

Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Tuunis ayaa sheeegay maanta oo Axad ah inay soo badbaadiyeen 223 qof oo doonayay inay tahriib badda ah ku galaan wadamada Yurub.

Afhayeenaka ciidamada ilaalada xeebaha Tuunis Xusaam Al-Diin Al-Jabaali ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la soo badbaadiyay isagu jiraan 112 qof oo kasoo jeeda waddamo Afrikaan ah, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin reer Tuunis ah.

Muddooyinkii u dambeeyay dalka Tuunis waxaa si aad ah ugu soo badanaayay muhaajiriinta dooneysa inay u gudbaan wadamada Yurub kuwaas oo dalalkoodi uga soo cararary dhibaatooyin dhaqaale iyo amni xumo.

Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ku bixineysa si ay uga hortegi leheed tahriibayaalka u isticmaalaya xuduudeeda si sharci darro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor