Ciidamada Suudaan oo xiray waddooyinka waaweyn ka hor dibadbaxyo la qorsheeyay

Ciidamada ammaanka ee caasimadda Sudan ee Khartoum ayaa xiray waddooyinka waaweyn ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay ee lagu xusayo sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dibadbaxyadii lagu afgambiyay madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Mudaaharaadyada lagu raadinayo dimoqraadiyadda ayaa ka bilowday dhowr magaalo iyo magaalooyin kale oo dalkan ah.

Bishii hore, Ra’iisul Wasaare Cabadalla Hamdok ayaa dib loo soo celiyay ka dib markii ay xilka ka tureen militeriga Suudaan.

Dad badan reer Suudaan ah kuma aanay faraxsanayn in Mr Hamdok uu heshiis la galo militariga, waxay hadda ku baaqayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Sabtidii, Ra’iisul wasaaraha Suudaan ayaa sheegay in is-mari waaga siyaasadeed uu halis ku yahay xasilloonida iyo midnimada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor