Ciidamada Qalabka sida oo bandhigay dagaalamayaal tirsan Al-Shabaab

Ciidanka qalabka sida ee howlgalada kawada aagga u dhexeeya Guri-ceel iyo Ceelbuur ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen Labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Waxaana Saraakishu ay sheegeen Labada dagaalame ay isi soodhiibeen kaddib markii ay xiriirro la soo sameeyeen Saraakiisha Ciidamada ee qaybta ka ah howlgalada culus ee Ciidanka Dowladdu ay kula dagaalamayaan Alshabaab.

Labadaasi ruux ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Nur bare ” iyo Mowliid Cumar faarax “Ciro” kuwaasi oo la sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab,waxayna si gaar ah u codsadeen in la cafiyo, waa sida ay sheegeen Saraakiishuye,

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed cartan oo qayb ka ah saraakiisha qaybta 21-aad ,ayaa qiray in labadaasi ruux loo sameeyay soo dhoweyn ,kadib markii ay xiriir la soo sameeyeen saraakiisha ciidamada.

Ciidanka qalabka sida Sida ayaa wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana maal mihii ugu dambeyay degaanada maamulka Galmudug ka socday dagaallo culus iyo howlagallo ay sameynayaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor