Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa uu dagaal kooban dhexmaray Ciidanka Puntland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, in kastoo aysan tiro shaacin.

Saraakiisha ayaaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay hub farabadan uga qabteen Al-shabaab, isla markaana ay soo qaateen Ciidanka, ayna xaaladda deegaanada uu dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin Ciidanka.

Si kastaba Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish ka waday deegaano dhowr ah ka tirsan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari iyo deegaano kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor