Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo howlgal wadajir ah sameeyay

Ciidamada Ammaanka Maamulada Puntland iyo Galmudug ee DANAB iyo PSF ayaa habeenkii xalay aheyd howlgal wadajir ah waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada howlgalka ayaa ka fuliyay inta badan Xaafadaha dhinaca Waqooyi ee Gaalkacyo, iyagoona mararka qaarkood baaritaano kala ku sameeynayay Guryo ku yaalla halkaas, si looga hortego falal amni darro oo xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada.

Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee hogaamineysay howlgalkii xalay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka Ujeedkiisa uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalkaas uu sii socon doono, isla markaana Ciidamada labada maamul ay si wadajir uga wadashaqeyn doonaan sugida amniga Magaalada oo horey ay uga dhaceen weeraro iyo dilal qorsheysan oo geysteen rag dhalinyaro ah.

Si kastaba Howlgalkaas ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo Maamulada Galmudug iyio Puntland ay balan qaadeen inay si wadajir ah uga wadashaqeyn doonaan amniga Gaalkacyo, kadib markii qarax ka dhacay halkaas lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media