Ciidamada PMPF oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Boosaaso

Ciidamada Ilaalada Badda iyo Beriga dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyo duleedkeeda.

Howlgalkaan ay sameeyeen Ciidamada Puntland ayaa ahaa mid ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish oo xiliyada qaarkaood weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta Magaalooyin ka tirsan Maamulkaas.

Ujeedka howlgalka ayey Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada PMPF waxaa ay ku sheegeen inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada Boosaaso oo kamid ah magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka.

“Yoolkii hawlgalka ayaa lagu guulaystay, waxaana ay ciidamadu sii wadidoonaan waajibaadkooda shaqo ee ay ugu khidmaynayaan shacabkooda iyo dalkooda, Isla’markaana ay ku gudanayaan waajibaadkooda shaqo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Badda iyo Beriga Puntland.

Si kastaba Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab iyo Daacish ka fuliyay deegaano ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo khasaaro kala duwan geystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor